Raadgoob.com
Gobolka Kashmir Ee Dalka Hindiya Isku dhacyo ay dad ku dhinteen Oo Halkaasi Ka Dhacy
February 25, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatay gobolka Kashmir gaar ahaan qaybta ay Hindiya maamusho kadib markii uu iskudhac xoogani uu dhaxmaray booliska dalka Hindiya iyo falaago mucaarad ah.

Taliyaha booliska Hindiya ee gobolka ayaa sheegay in ay fuliyeen hawlgalo ay ku baacsanayeen kooxo uu sheegay in ay yihiin falaago mucaarad ah.

Taliyaha ayaa intaasi sii raaciyay in weerarka ay ku dhinteen 2 askari uu mid kamida ahaa sarkaal boolis halka sidookale uu weerarka ku dhaawacmay askari kale.

Gobolka Kashmir oo ah halka ay ku muransanyihiin wadamada Hindiya iyo Pakistan ayaa dhawaantan waxaa ka dhacay weerar buuq badan ka dhax abuuray labada dooladood kadib markii 42 askari oo katirsan booliska Hindiya ay ku dhinteen Ismiidaamin lagu eegtay Koonfurta gobolka Kashmir.

Dowlada Hindiya ayaa dhigeeda Pakistan ku eedeesay in weerarkaasi ay soo maleegaty inkastoo Pakistan ay iska fogeesay dhamaan eedeemahaasi.

COMMENTS
Latest News