Raadgoob.com
Waa Maxay U Jeedka Safarka Saraakiil ka Socotay Midowga Yurub Oo Muqdisho Soo Gaadhay ( Kulamana Ku Jira)
February 26, 2019 - Written by admin

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray saraakiil ka socotay Midowga Yurub, waxa ayna saraakiishan kulan gaar ah la qaateen Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Hassan Ali Mohamed .

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa kala hadlay saraakiishan ciidan ee ka socotay Midowga Yurub xiriirka milatari iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Hassan Ali Mohamed (Amar Dambe) ayaa sheegay in saraakiisha ka socotay midowga Yurub kala hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii ay gacan u siin lahaayeen ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaata Tababar siinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo uu qorshu yahay in ay Amniga kala Wareegaan Ciidamada AMISOM.

Halkan Hoose Ka Eeg Sawirada

 

COMMENTS
Latest News