Raadgoob.com
Dad Shacaba Ah Oo Soo Dhawayn U Taga Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Oo Si Xun Oo Adag Loola Dhaqmay
February 27, 2019 - Written by admin

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulkaasi u diideen in garoonka Diyaaradaha galaan dad doonayay in ay soo dhaweeyaan Xildhibaan C/Rashiid Xidig oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Masuuliyiin, Wariyaal iyo dad shacab ah oo doonayay in ay qeyb ka noqdaan soo dhaweynta Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa laga hor istaagay in ay galaan garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland ayaana awood u adeegsaday kala eryida dadka soo dhaweynta isku diyaarinayay, waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada Wariyaal jirdil u geesteen sidoo kale qalab ka jajabiyeen.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah siyaasi caan ah ayaa la sheegay in uu kamid yahay musharaxiinta dooneysa in doorashada Madaxweynaha Jubbaland kula tartanto Hogaamiye Axmed Madoobe.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xili xalay maamulka Jubbaland soo saaray qoraal cadaadis lagu saarayo Musharaxiinta dooneysa in ay la tartamayaan Madaxweynaha msamulka Jubbaland Axmed Madoobe .

COMMENTS
Latest News