Raadgoob.com
Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Ansixiyay Waxaana Ansixiyay 123 Xildhibaan Hal Xilabaana Wuu Ka Aamusay
February 27, 2019 - Written by admin

Xildhibaannada Baarlamaaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa goor dhawayd meel mariyay golaha Wasiirradda uu soo magacaabay madaxweynaha  Cabdicasiis Lafta-Gareen.

Kulanka ayaa waxaa xaadiray 224  xildhibaan, sidoo kalana waxaa joogay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha  Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo kulanka shir guddoominayay.

Xildhibaano gaadhaya  123 mudane ayaa  cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Golaha Wasiirada,waxaana diiday  hal mudane,sidoo kale majirin Xildhibaan ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif  Sheekhuna Maye ayaa kulanka Baarlamaanka ka sheegay in golaha wasiirada  ay ansax yihiin, iyada oo isla goobta lagu dhaariyey.

Madaxweynaha Koonfur ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay ansixinta Golaha Wasiirada ee uu  soo Magacaabay,waxaana uu ka codsaday inay la Shaqeeyaan.

COMMENTS
Latest News