Raadgoob.com
Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Soo Qaban Qaabisay Barnaamij Waxtar Iyo Wax kabadal U Leh Wasaaradaha Dalka
February 27, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Wasiirka Wasaarada horumarinta Maaliyada Somaliland Ayaa furay mashruuca dib u habaynta macluumadka Wasaaradaha dalka Waxana ka Soo qaybgalay inta badan aagasimayaasha waasaradaaha dalka Iyo maamulayaasha Xafiisyada Wasaaradaha Mashruucan dib casriyeynta macluumadka Wasaaradaha Ayaa Ugu horayn halkaa Waxa ka hadlay agaasimaha guud Ee wasaarada horumarinta Maaliyada Somaliland Waxaanu Yidhi

” isticmaalka siistamkan inaynu fahan sanahay inuu yahay habkii aynu kor ugu qaadi lahayn adeeg bixinta qaranka ujeeda ugu danbaysa ee aynu leenahay waxa weeye edeeg bixinta dowladu tayadiisa Sidii kor loogu qaadi lahaa” Sidaasi Waxa Yidhi Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Maaliyada

dhanka kale waxa uu u mahad caliyay agaasimaha guud ee wasaarada maaliyadu agaasimayaasha guud ee dalka isaga oo sheegay inuu muhiim ahaa kulankani maadama laga hadlaayay mar xalada isticmaalku halka ay taagan tahay iyo halka looga socdo

Geestiisa isaguna waxa kulankan ka hadlay wasiirka horumarinta maaliyada Somaliland Sacad cali shire isaga oo sheegay inuu qaranka muhiim u yahay mashruucani waxaanu halkaasi shaado sharaf ku gudoonsiiyay agaasimayaasha guud ee dalka qaar kamida

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkan

 

COMMENTS
Latest News