Raadgoob.com
DEG DEG: Weerar Qarax Xoogan Ku Bilaab May Oo Ka Dhacay Hotelka Maka-Almukarama Ee Magaalada Muqdisho
February 28, 2019 - Written by admin

Weerar qaraxyo ku bilaawday ayaa lagu qaaday hotelka Maka Al-Mukarama oo ka mid ah hotellada ugu caansan san magaalada muqdisho oo ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

 Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la maqalayo rasaas iyadoo hotelka, waxaana soo baxaya warar hor dhac oo la xiriira khasaaraha ka dhashay weerarka.

Qaraxa ayaa bur bur xoog leh u geystay inta badan dhismayaashii ka agdhawaan hotelka, waxaana wararkku sheegayaan in loo adeegsaday gaadhi walxaha qaraxa laga soo buuxiyay.

Sidoo kale qaraxa ayaa bur buriyay dhismayaal ganacsi  oo ku yaalla Hotelka maka almukarama iyo goobo ganacsi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo la xidhiidha khasaraha nafeed ee ka dhashay qaraxan,waxaana goobta ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

wixii warkan kasoo baxay filo saacadaha soo socda

COMMENTS
Latest News