Raadgoob.com
Madaxwaynaha Maraykanka Iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Yeeshe Kulan Aan Heshiisba Lagu kala Saxeexan
February 28, 2019 - Written by admin

Shirkii ay lahaayeen madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa soo dhamaaday iyadoon wax heshiis ah la gaadhin, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Labadan masuul ayaa yeeshay “shir muhiim ah oo wax ku ool ah” oo ka dhacay magaalada Hanoi ee dalka Veitnam.

Balse heshiis lagama gaadhin arrinta ku saabsan sidii nukliyeerka loo tirtiri lahaa.

Labada masuul ayaa dalka Singapore ku yeeshay shir taariikhi ah bishii Juunyo ee sannadkii hore.

COMMENTS
Latest News