|
|||||||||
Raadgoob.com
Puntland oo Xukun Dil ah ku Ridey Shan Eedeysane oo kufsi ka Gaystay Magaalada Gaalkacyo
March 2, 2019 - Written by adminMaxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridey shan eedeysane oo loo heystay kufsi wadareed ka dhacay magaalada Gaalkacyo 22 bishii Feberaayo.
Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay magacyada eedeysanayaasha oo dhammaantood ah dhallinyaro, waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ,Maxamed Xareef Faarax oo suxufiyiinta Garoowe kula hadlay uu sheegay afar ka mid ah eedeysanayaasha in lagu qabtay magaalada Qardho oo ay u baxsadeen halka eedeysanaha shanaad ciidanka amniga ay ku qabteen magaalada Gaalkacyo.
Xukunkan lama xiriiro kiista gabadhii 12 jirka ahayd ee u geeryootay kufsi iyo jir dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ,Maxamed Xareef Faarax oo kiiska wax laga waydiiyay uu sheegay inuu socdo baaritaan.
Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Eedaysanayaasha Dilka Lagu Xukumay
![]()
COMMENTS
|
Latest News
|