Raadgoob.com
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mr: Maareeye Oo Ka Hadlay Madaafiic Lagu Dhuftay Wasaaradiisa Iyo Khasaaraha Soo Gaadhay
March 2, 2019 - Written by admin

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Faderalka Somaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Oo Warbaahinta la hadlay kadib Hoobiyeyaal ay alshaaba ku soo tuureen wasaaradiisa ayaa yidhi

“Kooxaha Nabad Diidka ah Ee La Beegsadeen Qaybo Ka Mid Ah Wasrada Ganacsiga Iyo Warshada Somalia Isla Markana Aanay Cidina waxba Ku Noqonin Marka Laga Reebo Dhisme Xaga Sare Ka Yara Dalooshamay . Cheer up’ Kooxaha Argagixisada Iyo Nabad Diidka Ahi Dib Uma Celin Karaan Rajada Aynu Ka Qabno In Aynu Helno Nabad iyo Nolol Fiican. Waxay Doonayaan In Ay Rajo Beel Inaga Dhigaan Oo Hakiyaan Khal khal Ay Geliyaan Horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo Yididiilada Jirta” sidaasi waxa yidhi wasiir maareeye

Geesta kale isaga oo hadalkiisa sii wata wasiirka Ganacsiga Soomaaliya mr: Maareeye ayaa shacbka kala hadlay in ay gali doonan maalmo aan maanta ahayn waxaanu yidhi  “Laakin Ka Yeeli Mayno Waana La Ciqaabi Doonaa Argagixisada Caadaysatay Inay Daadiyaan Dhiiga Shacabka Somaliyeed. Duco Waalid Iyo Dedaal Dawladeed Midna Ma Hadhin Ee Aynu U Samiro waxaana aynuu Geli Doonaa Maalmo Ka Wanaagsan Maalaha Ay Ku Jiraan Hada Shacabka Somaliyeeed.”

Raadgoobnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News