Raadgoob.com
Laba Daanyeer Oo Xanuun Qabo Oo Bulshadii Reer Hargaysa Maalinba Mid Cunaayay Kadibana Uu Qofkiiba Dhimanaayo
March 4, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Xayawaanka Daan-yeerka oo hore aynu u naqaanay inuu yahay xayawaan bulshada ku dhex nool ayaa hada isu badalay mid ay bulshada reer hargaysa ay isu tilaamto oo ay ka cararto kadib markii uu gaystay dhimasho iyo dhaawac nafeed

Meheradaha ganacisiga ee suuqa wayn ee magaalada hargaysa ku yaala oo khaadiyan ka taagan laba daan yeer oo xanuun qab

meheradahani oo ku yaala inta u dhaxaysa cisbitaalka wayn ee magaalada hargaysa iyo diyaarada ama khayriyada suuqa wayn ee hargaysa dhexdiisa

labadani daan yeer ayaa qaba xanuun sida ay noosheegen dad goob joogayaala sidaasi darteedna wax ay sameeyan labadni daan yeere qofkii u dhaw ama u soo dhawaada in ay qaniinan ama ay weeraran kadibna mudo yar gudohoodaba uu qofkii isku badalaayo jidh ahaan iyo caafimaad ahaanba waxa kale oo qofka soo wajahayamudo yar kabacdi dhimasho ama geeri

lama xaqiijin tirada saxda ah ee ay labadani daan yare ay xagteen ama ay qaniinen ee dhimatay

mid kamid ah dadka ku ganacsada goobaha ay daan yaaradani joogan ayaa noo sheegay sidan ” Anigu waxaan arkaayay isaga oo qaniinaya gabadh muus ku iibinaysa wadad dhex deeda oo ay weerarayaan labadani daan-yeer mudo kadib waxaan maqlay gabadhii uu daan yeerku qaniinay way dhimatay” sidaasi waxa noo sheegay oo noo xaqiijiyay goob jooge ka ag dhawaa mesha gobadh daan yeerku ku qaniinay

geesta kale waxaanu isku sii daynay inaanu helno qof kale oo noo xaqiijiya dhibaatada ay gaysten labadani daan yeer ee qofka ay qaniinan dhimanaayo ayaa noo sheegay sidan  ” anigu waxaan ahay nin muruq maal oo halkan baaburta ku maydha odaygii shaah aan ka iibsan jiray ayaa maaln maalmaha kamid ah isku dayay inuu daan yeeradan oo weerar ku soo qaaday iska celiyo kadib mid kamida ah daan yeeradii ayaa qaniinay odaygii maalmo kooban kadib odaygii intuu jidhkiisi isbadalay ayuu dhintay aniagaygan kula hadlayaa markaan arko waan iska ilaalaiya ileen mahayno cid bahal kan naga celisee ama xukuumad dhaga dishee”

waxaanu isku daynay bal inaan ogaano in ay in uu wax kala socoto arinkan dhibaatada ku haya bulshadii reer hargaysa wasaarada deegaanka iyo horumarintu balse taabadalkeeda waxaan ogaanay in aanay waxaba kala socon oo ay ka moogan tahay waxa dhacaya iyo dhibaatada jirtaba

 

COMMENTS
Latest News