“Caalamku Waxbuu Ka Baran Karaa Sida Ay Somaliland Maleeshiyaadka Uga Guulaysatay”…Micheal Rubin | Raadgoob
Raadgoob.com
“Caalamku Waxbuu Ka Baran Karaa Sida Ay Somaliland Maleeshiyaadka Uga Guulaysatay”…Micheal Rubin
March 22, 2019 - Written by EGN Samaale

Hargeysa(raad goob):-Aqoonyahan Micheal Rubin oo ah Xeeldheere Millatari oo Maraykan ah ayaa warbixin uu maanta ku daabacay warsideyaasha caalamiga ah wuxuu ciwaan uga dhigay”Caalamku wax buu ka baran karaa sidii Somaliland uga Guulaysatay Maleeshiyaadka.”

 

Mr. Rubin Wuxuu warbixintan ku faalleeyey sida Soomaaliya oo Dawladda Maraykanku ay ku taageerayso sannadkan $900 oo Milyan oo Doolar aanay haddana waxba uga qaban dhinaca Ammaanka dalkeeda, taasina ay Maraykanka ku tahay tacab khasaar. Waxaanu xusay in Soomaaliya ay ku guulaysatay horyaalka dalka ugu musuqmaasuqa badan Adduunka oo ay xataa ka sii liidato dalalka Yemen, Waqooyiga Kuuriya iyo Venezuela.

COMMENTS
Latest News