Raadgoob.com
Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Goobu ka dhacay
March 26, 2019 - Written by Maxamed Ducaale

Hargaysa (Raad goob) Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax xooggan.

Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari marayey meel u dhow isgoyska Taleex, gaar ahaan kasoo horjeedka Xaruntii hore ee Premier Bank ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro naf iyo maal leh.

Sida Caasimadda Online loo xaqiijiyey gaariga lagu xiray qaraxa ayaa gubanayo, sidoo kalana waxaa Meesha ku gubanayo gaari kale oo marayey halka uu Qaraxa ka dhacay.

Goobjooge ku sugan meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegayo inuu indhihiisa ku arkay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dad kale oo ay dhibaato kasoo gaartay Qaraxa.

Image result for Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa illaa hadda gubanayo laba Baabuur oo ay dhibaato kasoo gaartay Qaraxa oo uu mid kamid ah yahay midkii Qaraxa lagu xiray lamana ogo ilaa hadda qofka wadatay.

Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa ninkii waday Gaariga Qaraxa lagu xiray, mana aysan noo suurtagelin inaan helno magaciisa iyo Shaqadiisa.

Magaalada Muqdisho waxaxa maalmihii ugu dambeeyey kusoo badanayey Qaraxyada dadka loogu xirayo Gawaarida, waxayna arrintaan keentay inay dadka intooda badan iska dhigaan gawaarida gaarka loo leeyahay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxa Muqdisho ka dhacay kala soco Caasimadda Online.

COMMENTS
Latest News