Raadgoob.com
Waa Maxay Nuxurka Heshiis Laba Geesood Ah Oo Ay Kala Saxeexdeen Wasaarada Dastuurka Iyo Ta Waxbarashada
April 1, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Kulan laba geesood ah oo dhex maray wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo arimaha tastuurka Somaliland iyo wasiirka waxbarashada iyo sayniska ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee wasaarada tastuurka waxaan kulan kan lagaga hadlaayay sidii man hajka waxbarashada loogu darilahaa barashada dastuurka somaliland

Wasiirka dastuurka ayaa mar uu ka hadlaayay muhimada ay leedahay in manhajka waxbarashada somaliland lagu daro barashada dastuurka ayaa waxa uu yidhi” waan ku farax sahanay run ahaanti in maanta ay  ahaato wakhti ku haboon in halkan maanta aynu joogno lagoodho oo umada reer somalilandna la baro asadka ay leedahay ee rasimigaa ee tastuurka somaliland iyo barashadiisa ”

Geesta kale isna waxa soo dhaweeyay arinkan farxad galiyay bulshada reer somaliland ee ah in manhajka waxbarashada somaliland lagu daro barashada dastuurka wasiirka waxbarashada iyo sayniska oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi sidan” dastuurka somaliland cid walba oo reer somaliland ah waa ku waajib wasaarada waxbarashadana waxa uu ku sii yahay waajib saran barashada dastuurku hadiiba aynu hada haysano wasaarad danay naysa dastuurka waxaan hubaa hadii ay is kaashada wasaarada waxbarashada iyo wasaarada dastuurku in wax wanaagsan oo fiicani ka soo bixi doono barashada la baraayo umada reer somaliland dasuurku”

Dhankooda iyaguna waxa goob joog ka ahaa kulankan laba geesoodka ah ee ay kala saxeexanayaan wasaaradaha  waxbarasha iyo ta dastuurku labada agaasime ee wasaarada haasi waxaana ay yidhaaden waanoo farxad in arin aanu mudo kasoo shaqaynaynay aanu maanta isugu nimaadno barashada dastuurka somaliland ee lagu daraayo manhajka waxbarada waxa uu wax u tari doona jiilka iyo ubaxa somaliland isoo koraysa­­­

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkaasi

COMMENTS
Latest News