Raadgoob.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Wax-Garad Kasoo Jeeda Bariga Sanaag Iyo Gobolka Badhan
April 22, 2019 - Written by admin

Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay salaadiin, isimmo, cuqaal, aqoonyahan iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ku joogay caasimadda Hargeysa.

Hadhimadan uu madaxweynuhu ku maamuusay waxgaradka kasoo jeeda gobolka Badhan iyo Sanaag Bari oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo waxgaradka kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan.

Image may contain: 5 people, people standing and wedding

Xubno kamid ah waxgaradka iyo salaadiinta kasoo jeeda Sanaag Bari iyo gobolka Badhan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahadceliyey sida fiican ee uu u qaabilay, waxana ay shaaca ka qaadeen inay diyaar u yihiin sidii ay xukuumadda uga shaqayn lahaayeen hirgelinta dhammaanba wixii adeeg dawladeed ah ee deegaannadaasi u baahan yihiin.

Suldaan Maxamed Cabdilaahi Cartan oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda bariga gobolka Sanaag iyo Badhan oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay madax-dhaqameed ahaan qaybtooda uga qaadan lahaayeen hirgelinta mashaariicda xukuumaddu deegaannadaas ugu talo-gashay iyo is-fahamsiinta bulshada halkaas ku dhaqan iyo xukuumadda

Image may contain: 6 people, people standing, wedding and suit
Image may contain: 1 person, food and indoor
Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and shoes
Image may contain: 4 people, people smiling, wedding
Image may contain: 2 people, people sitting and table

COMMENTS
Latest News