Raadgoob.com
Carwo Ganacsiyeed Nooceedu Ku Cusub Yahay Somaliland Oo Magaalada Hargaysa Lagu Daah Furay
May 2, 2019 - Written by admin

Hargaysa(Raadgoob) Shirkada Al Najax General Trading Company ayaa magaalada hargaysa ku soo bandhigtay Carwo ganacsiyeed nooceedu ku cusub yahay Somaliland taas oo lagu soo bandhigay dhamaan agabka guryaha la dhigto nooc yadooda kala duwan, taas oo ay uga faa,idaynayso bulshada ku dhaqan caasimada hargeisa iyo nawaaxigeeda, qiimo dhimis balaadhan $50

Carwo ganacsiyeedkan ayaa jaanis buuxa u ah bulshada somalilamd taas oo ay ka heli karaaan alaab qiimaheedu aad u hooseeyo, habsami socodka carwadan oo maanta albaabada loo furay ayaana ahaa mid bulshadu ay si fiican uga faa,idaysanaysay

qaarkamida dadwaynihii kala duwanaa ee wax ka iibsanayay carwada oo aanu dareen kooda la wadagnay ayaa noo sheegay inay farxadwayn u tahay isla markaana ay umahad naqayaan maamulka shirkada najax iyagoo ku amaanay fursada dahabiga ee ay shacabkooda uso bandhogeen bisha ramadaan ee soo galaysa

Hooyo maryan maxamed oo ka mid ahayd dadkii madasha wax ka iibsanayay ayaa waxay tidhi” hooyo alaabtan goobtan lagu iibinaya way ka tayo badan tahay waanay ka qiimo jabantahay alabaata suuqa wayn ee hargaysa taala waayo waa alaab toos looga keenay dalkadibadiisa oo halkan uu lagu soo rogay aynu joogno” sido kale maamo kale oo lagu magacabo farax xuseen ayaa iyaduna ka dareen celisay alaabo badan oo ay iibsatay waxayna tidhi ” hooyo runtii alnajax shaca keeda ayay utudhay way mahad santahah iminka waxan oo alaaba ee aan sito waxa layga siiyay 40$ suuqana waxa laga siinaya 150$”

xabsa cumar Maxamed oo kamida masuuliyiinta shirkada al-Najax General Trading Company oo aanu wax ka waydiinay carwadan ay bulshada magaalada hargaysa ku dhaqan ay u fureen ayaa waxa ay tidhi “waxaan aad ugu faraxsanahay inaanu bulshada lawadaagno oo aanu u soo bandhigno carwo lagaga adeeganaayo agabkii guryaha oo dhan waxaanu aad muhimada u saarnay agabka cuntada madama ay soo galayso bishii barakaysnayd ee ramadaan waxaan leeyahay marwooyinka marwadii la jecl yahay xaajiga soo dhawayntiisa waxa lagalayaa bishii ramadaan carwada al najax General Trading Company noogu kaalay”

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkan 

 

COMMENTS
Latest News