Raadgoob.com
Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay madaxwaynaha puntland ka hor shirka Garoowe ka furmaaya
May 4, 2019 - Written by admin
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Garoowe ayaa kulan gaar ah xalay la qaatay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ka hor shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada uga furmaya Garoowe.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Garoowe ka deganyahay ra’iisul wasaare Khayre, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxaana ay iska xog-wareysteen arrimaha siyaasadda.
Waxaa kalo ay isku soo qaadeen shirka lagu waddo inuu furmo Sabtida maanta ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada u dhaxeeya, sida laga soo xigtay saraakiil ku dhow kulanka.
Kulanka ayaa ku soo aadday, xilli dowlad-gobolleedyada oo ay Puntland ugu horreyso ay qaadaceen xeerka doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha xukuumadda federaalka ee uu hoggaamiye Xasan Cali Khayre.
Wada-hadallada cusub ee hadda u billaabanaya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa waxaa dhawaan ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni,iyadoo la filayo in diirrada la saaro xal u helidda khilaafka, amniga iyo arrinta ay doodda ka taagan tahay ee doorashooyinka.

COMMENTS
Latest News