Raadgoob.com
Barnaamijkii Hal Abuurka Ganacsiga Ee Ay Maal Galisay Bangiga Birimiyeer Baanki Oo Soo Xidhmay
June 3, 2019 - Written by admin

Hargaysa (Raadgoob) Magaalada hargaysa waxa habeenimadii xalay lagu qabtay munaasabada balaadhan oo lagu soo xidhaayay barnaamijka tartanka hal abuurka ganacsiga oo bishii ramadaan socday barnaamijan ayaa waxa ka qayb galaayay dhalin yaro laga soo xulay jaamacadaha dalka is xulid iyo kala saarid badan ka dib waxa guulaystay oo ku guulaystay lacag dhan 10 kun oo dollar Axmed Budul muxumed iyo Nuux khadar cali oo soo bandhigay hal abuur loo arkay inuu yahay mid waxa ku oola

barnaamijkana ayaa waxa gacan wayn ka gaysatay oo maal galisay Bangiga Birimiyeer Baanki oo sanadkii labad maal galinta barnaamijkan waday munaasabada xidhitaanka barnaamijkan ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirada masuuliyiinta jaamacadaha dalka aqoonyahano iyo marti sharaf kale

ugu horaytii munaasabada barnaamjikan waxa furay maskaxdii iyo shakhsigii lahaa curinta barnaamjikan hal abuurka ganacsiga mubaarig aar gudoomiyha jaamacada badar waxaanu fariin u diray guulaystayaasha maanta iyo laga guulaystihii hal abuurkiisa soo bandhigay isaga oo ku baraarujiyay in aanay niyad jabin dhalin yaradu ee maalinba mid guulaysanaayo banaamijkana sidaa u sii socon doono ramadaanta danbe

dhankiisa sina waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha bangiga birimiyeer baanki nuuradiin cabdi cilmi oo ka sheekeyay maraaxilkii uu barnaamijkani soo maray waxaanu yidhi” dhalin yaradii laga guulaystay ee kaalma hore soo galay waxaanu jecl nahay inaanu la fadhiisano oo fikirkooda dhagaysana ka caawino wixii loo arko inuu shaqaynaayo dhaliyarada guulaystayna waxaanu ka caawin doona wixii tignikaal ah wananu la fadhiisan doona anaga oo si joogta ah uga war hayn doona”

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkan 

COMMENTS
Latest News