Raadgoob.com
250 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Maxadka Miyaami Collage Ee Magaalada Hargaysa
September 18, 2019 - Written by admin

(Hargaysa Raadgoob) Magaalada hargaysa waxa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen ardayda wax ka barata dugsi Miyaami Collage. Munaasibada ayaa ahayd mid hanaankeeda dhicitaan si heer sare ah loo soo agaasimay ayadoi isla markaana ay kasoo qayb galeen maamulka iyo macalimiinta Miyaami Collage walidiin aqoonyahano iyo arday hore uga aflaxday maxadkan

Xuno kamida golaha wasiirada gudoomiyaasha labada xisbi mucaarad ee waddani iyo ucid ayaa yaguna goobtaasi goob joog ahaa

Ugu horayn waxa goobta ardaydii qali jabisay iyo marti shafartiiba kala hadlay maamulaha guud ee maxadka miyaami koolej maxamed qaasim xuseen waxanu ka warbixiyay maraaxilkii kala duwanaa ee maxadkani soo maray waxanu yidhi” ardayda maanta qalinjabisay waa dufcadii 12 ee ka qalin jabisa maxadkan miyaami tirada halkan fadhidaana waa 250 arday waxana ay isugu jiraan wiilal iyi gabdho dhamaan waxaan uga mahad celinayaa martida isugy jirta masuuliyiinta xisbiyada iyo masuuliyiinta xukuumada ee halkan nagala soo qayb gashay waalidiinta iyo ardayda qalinjabisay iyana waan u hanbalyaynayaa”

Dhankooda iyaguna waxa halkaasi ka hadlay wasiiradii goobtaasi ka soo qayb galay waxana ay isku raacen in dugsigani yahay mid ay bulshada hargaysi ku aflaxday islamarkaan ardaybadan soo saaren

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalaka warkan

COMMENTS
Latest News