Somaliland :Marin Habaabinta  Ciwaan Wareedka +Hubsiima La,aanta Xukuumada +Hagardaamada Shacabka. | Raadgoob
Raadgoob.com
Somaliland :Marin Habaabinta  Ciwaan Wareedka +Hubsiima La,aanta Xukuumada +Hagardaamada Shacabka.
November 20, 2019 - Written by admin

 

16/11/2019ka Abaaro 10.30kii Barqanimo waxa Kulan Warbaahineed (Shir jaraa,id) Qabtay Gudoomiyaha   Xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaaan cabdilaahi maxamed (Cirro) Kaas oo Kulan Warbaahineedkiisaa kaga Hadlay Arimo Badan oo Siyaasiya.


Shirkaa jaraa,id ee Gudoomiye Cirro Qabtay ayaa Nuxurkiisu ahaa inuu inta badan ku soo Qaatay  Jawaabo uu ka bixinaayay Eedo uu maalintii ka Horaysay ee 15/11/2019kii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u jeediyay Xisbiyada Mucaaridkaa oo uu si gaara ugu soo Qaatay kuna Eedeeyay  Hogaanka Xisbiga Waddani gaar ahaan Gudoomiye Cirro, Eedaha Madaxweyne Biixi Jeediyay ee uu Gudoomiye Cirro iska Difaacaayay ayaa Dhamaantood ahaa kuwo ku salaysan Ama ku Saabsan Muranka Doorashooyinka Khaasatan Muranka Hada Curudkaa ee ka taagan 6 Xubnood oo ka tirsan Gudida Doorashooyinka Qaranka ee Cusub oo  Xubnahii Dhanka Madaxtooyad ka yimi Xulistooda  Xisbiyada Mucaaridku Ganafka ku Dhufteen lslamarkaana Murankoodu la Tacaluqo inay Xubnaha madaxweynahu Soo Xulay ay Q

aarkood Burinaayaan Xeerkii Xulista (Magacaabista) Xubinta Gudida Doorashooyinka Qaranka  Lagu rabay inay Buuxiso Shuruudaha taas oo iyadoo murankii Taagan  yahay islamarkaana ay Labada Xisbi Mucaarid ku Dhawaaqeen inay Hakiyeen oo la Noqdeen xubin Xubintoodii Golaha Wakiilada Somaliland fadhigoodii ku ansixiyeen 6 Xubnood oo ka kala Socda Madaxtooyada ,Xisbiga Ucid iyo Golaha Guurtida ku Meelmariyeen Cod gacan Taaga Ansixinta Xubnahaasi.

Intii Gudoomiye Cirro ku guda jiray kulan Warbaahineedkiisaasi wuxuu ku Soo Qaatay Baaq Fariin uu taageerayaashiisa ugu Baaqay inay 17/11/2019ka iskugu yimaadaan Xarunta Guud ee Xisbiga Waddani ku Leeyahay Magaalada Hargaysa.


Gudoomiye cirro ayaa Iclaamkiisaa ku Sheegay waxa uu ugu yeedhay Kulan Taageerayaasha Xisbiga waddani loogu Sheegaayo

Arimo Badan oo La Xidhiidha Arimo Badan  Xaalada Dalka Ku Saabsan Hadalka  Gudoomiye Cirro Taageerayaashiisa iskugu yeedhay inay Iskugu yimaadaan Xarunta Xisbigooda ayaa ….

La Soco Qaybta 2Aad.

Qalinkii :Mustafe Axmed Herer

Herer Media Editor

Email:Herersax@Gmail.com

Facebook:Haldoor Mustafe Herer

Tell:+252634061560/252659112810

COMMENTS
Latest News