Raadgoob.com
Shirkadaha Socadaalka Oo Samaystay Urur Cusub”
February 24, 2020 - Written by admin

Hargaysa-(Raadgoob)-Shirkadaha Socdaalka Gobolada Somaliland ayaa ku Midoobay Urur cusub Xaflada Si Heersare Loo Soo Agaasimay oo Lagu Qabtay Hargaysa ayaa Waxaa ka soo Qayb Galay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland Taliyaha Ciidamada Taraafikada Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Badiba shirkadaha Socdaalka Dalka

Ururka ay ku midoobeen shirkadahu oo Layidhaa Hotseed ayaa Noqon Doona Dalada ay wada Hoostagi Doonaan Shirkadaha Socaalku

Dhamaan Masuuliyiontii Halkaasi ka Hadlay Waxay Iska Daba Mareen Ahmiyada Ay leedahay In La Helo Dallad Guud Oo midaysa Shirkadaha Socdaalku

Shirkadaha Dallada Samaystay Waxaa Ka mid ah Shirkada Saacid oo Ay Xoog u Amaaneen Macaamiisheedu

Horseed ay ayaa maanta Laga bilaabo Ay wada Hoostagi Doonaan Dhamaan shirkaduhu

COMMENTS
Latest News