Raadgoob.com
Xasuuq kasta oo Ka dhacay Gobolada Waqooyi 1981-kii-1991-kii Waxaa ka Masuul Ahayd Dawladii Maxamed siyaad”
February 25, 2020 - Written by admin

Hargaysa(Raad-goob) Xasuuq kasta oo Ka dhacay Gobolada Waqooyi 1981-kii-1991-kii Waxaa ka Masuul Ahayd Dawladii Maxamed siyaad”

Xasuuqa ay sida Badheedhka ah u Gaysteen Milatarigu Waxaa Dheeraa kii isku Dirka Beelaha Iyo Cunfigii La Dhexdhigay

Dhibkasta oo kala Gaadhay Shacabkii Somaliland Waxaa Dabkeeda shiday Dawladii Siyaad Bare Hadii ay Gacani kala Gaadhay Shacabka Hargaysa iyo Boorame Ama Laascaanood iyo Burco Shaki kuma jiro in Cunfiga Ay Dhexdhigtay Dawladoodii iya Oo Midba midka kale Cadaw ugu sheegaysa

Sidaasi oo ay Tahay Majirto Colaad Dhextaala Shacabka somaliland Hore iyo Danbaysaba Balse Waxaa jiray Siyaasad Kaxumayd Tii milatarigu shacabka Cagta ku mariyey oo ahayd isku dirka sacabka

Dhamaan Wixii ka dhacay Gobolada waqooyi Waxaa ka masuul ahaa Dawladii Digtaytarka ahayd Ee maxamed siyaad

Wixii ka Danbeeyey 1991-kii Shacabka somaliland Waxay ka Heshiiyeen iyaga Oo isla Garawsaday in Shacabka ay isku Adeegsatay Dawladii Siyaad bare

Wixii Dhexdooda kala Gaadhay Masuuliyadeedana Waxaa Dusha Loo saaray Lana Xaqiiqsaday inay Masuul ka ahayd Dawladii Dalka xiligaa ka Talinaysay

Dhalinyarad Hurinaysa Xanafaha Bulshada dhexdeeda Ee Taariikhada Garab marsani Aabayaashood Ha waraystaan Masuuliyiinta iyaga oo Xamar La Hadlaaya Hadalku Hoos uga Dhacayana Waxaan Leeyahay Hadaydaan Bulshada Midaynayn Hadalka yaraysta

Dhib kasta Oo Somaliland ka dhacay wixii ka Horeeyey 1991-Waxaa masuul ka ah Dawladii Somalia Ee Dhibka ina Gaadhay si Wada jir ah aynu Uga Doodno Una Doonano Balse aan joojino Cuqdada iyo GuraanGurka Gudaheena

Yuusuf Dool

COMMENTS
Latest News